Posts

Showing posts from September, 2021

Saaxiib waxbarashada uga haray duruuf dhaqaale.

 Dugsigeennii dhexe illaa dugsigeennii sare waxaan ku soo wada qaadanay hal kursi. Wuxuu kamid ahaa ardayda kaalmaha sare ka gala fasalka, sidoo kale wuxuu ahaa saaxiib ardayda fasalka oo dhan ay wada jecelyihiin. Sanad dugsiyeedkii 2017-2018 ayaan ka qallinjebinay dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Imaamu-Sakhaawi. Axmed qoyskiisu ma awoodin qarashaadka jaamacadda, waayo waxay ahaayeen qoys danyar ah. Axmed isma dhigan, wuxuu go'aansaday in uu shaqeysto, maadaama aysan jaamacaddii u suurta gelin. Ganacsi yar ayuu ka furtay xaafadda uu daganyahay, wuxuuna ku billaabay Nacnac, Buskut, Xanjo iwm. Muddo saddax sano kadib ganacsigii Axmed waa uu ballaartay oo hadda waa dukaan iibiya bagaashka iyo wax walba oo guri looga baahan karo. Hadda Axmed waa milkiilaha dukaanka, waxaana ka shaqeysa afar shaqaale. By : Sayyid Omar

Wiil eeddadiis labada gacmood ka goysay.

Image
 1996 ayuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb. Hoodayiis iyo aabbihiis asaga oo yar ayay kala tageen, waxaana loo geeyay eeddadiis aabbe la dhalatay si uu ula noolaado. Yaraantiisii xilli u baadiyaha ku noolaa asaga oo Ari la joogo ayaa arigii ka lumay. Eeddadiisa iyadoo ciqaabaysa ayay labada gacmood si xun xarig uga xirtay, taasoo sababtay in labada gacmood laga jaro ka dib markii uu gacmaha ka xirnaa mwaqti badan. Labadii gacmoodba waxay joojiyeen awooddii ay ku shaqeyn lahaayeen. Waxaa loo celiyay magaalada Dhuusamareeb, halkaas ayaana labada gacmood looga soo gooyay. Goynta labadiisa gacmood ka dib waxyaabaha uu ka fakari jirayay ayaa ahayd, sidii uu dharka u xiran lahaa, u cunteyn lahaa, sidoo kalena u xaaja gudan lahaa. Wuxuuna intaas uga maarmay aabbihiis oo waqtigaas la joogay ayuu kaalmo ka helaayay. Hadda waa shakhsi isku filan oo wax walba gacmihiisa ku qabsan kara, haddii ay ahaan lahayd marka uu ku jiro xilliga waxbarashada, marka uu wax cunaayo, marka uu qabeysanaayo ...

Dhakhtarka ilmaha la isaga soo rido u tag ee ilmahan calooshaada ku jiro iska soo tuur.

Image
 Nolol duruufeysan ayaa lagu soo koriyay. Aaabbaheed waa xamaali ka shaqeeya dekedda Muqdisho. Fasalka saaddaxaad ee dugsiga sare oo gebogebo u ah ayay Facebook iska barteen wiil. Muddo markii ay wada socdeen ayuu u soo bandhigtay xiriir jaceyl, wuxuuna ku soo xero geliyay in reerkiisu ay hantiilayaal yihiin, asagana uu ka shaqeeyo shirkad uu aabbhihiis maamule ka yahay. Wayna ka aqbashay. Saddax bilood ka dib uur ayaa ku soo baxay. Dhowr baaritaan oo ay martay ka dib waxay xaqiiqsatay in uurku run yahay. Wiilkii ayay wacday si ay ula wadaagto waxa ku soo kordhay. Markii ay la wadaagtay ayuu war oo dhan ugu soo koobay, "Saaxiibeey, dhakhtarka ilmaha la isaga soo rido u tag ee ilmahan calooshaada ku jiro iska soo tuur." Waxay u sheegtay in aysan haysan qarashkii ay isaga soo ridi lahayd. Nasiib darro taleefankii ayuu ku damiyay, wuuna ka dansaday. Geed dheer iyo mid gaaban ba waxay u kortay sidii ay ku heli lahayd lacagtii ay isaga soo ridi lahayd ilmaha. Waxay dantu ku qasabt...

Daqiiqad walba waxaan sugaa geeri!

Image
 "Hadda waqti walba oo nolosheyda kamid ah waxaan sugaa inta aan ka dhiman doono, waayo ma jirto xuduud noo dhaxeysa darxumada! Hooyadey waxay dhimatay anigoo carruur ah, dhibaatooyin badanna waan la kulmay hooyo la'aanta awgeed. Aabehey wuxuu ii guuriyay anigoo aad u yar. Hal sano kadibna ninkeygii wuu dhintay anigoo waxba ka fahmin micnaha guurka iyo nolosha. Geerida seygeyga ka dib waxaan ku laabtay guriga soddogey, qof walbana wuxuu iigu wici jiray sida in aan ahay qof xanunsan. Waxaana la igu dhihi jiray, "nikaaga dartaa ayuu udhintay." Waxay igu eedeyn jireen in aan aniga ka dambeeyay geerida ninkeyga. Ma jirto qof ka fakareyso meesha aan ku noolaan doono iyo inta nolosheyda ka dhiman sida aan ahaan dono. Qof iga taxadaraayo malahan. Qofna iima harin! Hadda nolosheyda waa billow, waxaa jirta himilo aan ka arko hal il oo ah in aan dawarsado. Socodkii ayaan kari waayay xaunuuno lugaha iiga soo darsay awgood, waxayna sababtay in aanan banaanka u bixi waayo si aan ...

Sheekada Hajer Sharief

Image
 Waxaan daawaday sheekada Hajer Shariif oo ah gabar Liibiyaan ah. Waxay ka sheekeeneysaa nidaam yaraanteedii ka jiray gurigooda oo la yiraa “Friday Democracy Meeting"  Waa kulan habeen kasta oo Jimce ah uu reerkeedu yeelan jiray, waxaana looga hadli jiray arrimaha guriga ku soo kordhay todobaadkaas, sidoo kale waxaa lagu qorsheyn jiray todobaadka soo socda waxyaabaha la qaban doono.  Inta uu kulanka socdo waxaa shir guddoomiya labada waalid midkood, mid kamid ah carruurtana wuxuu u qori jiray qodobada. Shirku wuxuu leeyahay labo sharci, waa tan koowaade in aan la isku qaddarin da’da iyo waalidnimada oo haddii carruurta midkood iyo qof waalid ah arrin dhextaallo si furan ayay uga doodayaan, lagumana celin karo qofka hadalka; arrinta labaadna waxay ahayd in wixii halkaas la isku yiraa aan la isku qabsan karin markii shirka laga baxo, wax kasta oo shirka la isku yiraahdana, goobta shirka ayaa looga tegi jiray.  Waxyaabaya sida joogtada ah looga hadli jiray shirka waxaa ...

Haddii aan Email sameysan lahaa waxaan ahaan lahaa shaqaale nadiifiya musqulaha Microsoft.

Image
 Shaqo nadaafad ah ayuu Microsoft ka codsaday, wuuna helay. Waxaa la waydiiyay Email-kiisa si loogu diro heshiiska shaqaalennimo. Wuxuuse sheegay in uusan laheyn Email, uusanna aqoonnin sida Kumbiyuutar loo adeegsado. Sidaas ayuuna shaqadii ku waayay. Markii uu ka soo baxay iridka Microsoft ayuu arkay dukaan Strawbery-ga lagu iibiyo. $10 oo uu hanti ka haystay ayuu kartoon Strawberry ah ku iibsaday, wuxuuna ku wareejiyay xaafadaha si looga iibsado. Wuxuuna habeenkii hoyaaday isaga oo haysta $60. Taas oo ku sii dhiirrigelisay in uu shaqadaan joogteeyo. Markii ay shaqadu u kobacday ayuu soo amaahday gaarigacan uu khudaarta ku wareejiyo. Muddo kaddibna gaari ayuu soo iibsaday.  5 sano kaddib shirkaddiisu waxay ka mid noqotay shirkadaha ugu waaweyn ee cunnooyinka ku iibiya Mareykanka. Wuxuu u baahday in uu ganacsigiisa ceymis geliyo si ay ugu sahlanaato in uu soo kabto haddii uu khasaaro. Wuxuu u tegay shirkad ceymis. Wakiilkii shirkadda ayaa waydiiyay Email-kiisa si uu heshiiska ...

Damacoodii qallafsanaa ayaa ku sababtay in uu dharka tuurto!

Image
By : Sayyid Omar Fikrad ganacsi in uu la yimaado ayay dantu ku kalliftay ka dib markii uu waayay shaqo. Wuxuu u baahday in loo maalgeliyo. Wuxuu u la tegay bangi, si ay maalgelin ugu sameeyaan. Qolada bangiga waxay arkeen in ay fikraddani tahay mid taabbagal ah, iyagana ay ku habboon tahay. Damac ayaa ka galay, waxayna isku dayeen in ay dibmarin ku sameeyaan, illaa markii dambe uu u suurtagalay damacoodii qallafsanaa. 2 bilood gudahood in ay riyadiisa ugu rumaynayaan ayay u sheegeen. Isaga oo faraxsan, niyaddiisa dhisan tahay, kalsooni buuxdana ku qaba ayuu ka soo tegay. Maxaa xigay? Bil kama soo wareegan markii uu arkay bangigii uu maalgelinta ka sugaayay oo fikraddiisii ku xayaysiisanaya boorarka magaalada iyo baraha bulshada. Qarracan weynaa! Wuu aamini waayay xaqiiqada waxaan uu arkayo!   Waa adduunyo iyo xaalkeed e, meel uu wax ka bilaabo ayuu garan waayay. Noloshii ayaa aad ugu adkaatay oo ciriiri ku noqotay, horraanba iyada oo ciriiri ku ahayd. Xiskaa dhaqaaqay, fara...