Wiil eeddadiis labada gacmood ka goysay.

 1996 ayuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb. Hoodayiis iyo aabbihiis asaga oo yar ayay kala tageen, waxaana loo geeyay eeddadiis aabbe la dhalatay si uu ula noolaado.


Yaraantiisii xilli u baadiyaha ku noolaa asaga oo Ari la joogo ayaa arigii ka lumay. Eeddadiisa iyadoo ciqaabaysa ayay labada gacmood si xun xarig uga xirtay, taasoo sababtay in labada gacmood laga jaro ka dib markii uu gacmaha ka xirnaa mwaqti badan.


Labadii gacmoodba waxay joojiyeen awooddii ay ku shaqeyn lahaayeen. Waxaa loo celiyay magaalada Dhuusamareeb, halkaas ayaana labada gacmood looga soo gooyay.


Goynta labadiisa gacmood ka dib waxyaabaha uu ka fakari jirayay ayaa ahayd, sidii uu dharka u xiran lahaa, u cunteyn lahaa, sidoo kalena u xaaja gudan lahaa. Wuxuuna intaas uga maarmay aabbihiis oo waqtigaas la joogay ayuu kaalmo ka helaayay.


Hadda waa shakhsi isku filan oo wax walba gacmihiisa ku qabsan kara, haddii ay ahaan lahayd marka uu ku jiro xilliga waxbarashada, marka uu wax cunaayo, marka uu qabeysanaayo iyo marka uu dharka xiranaayo intaba.


"Haddii aad gacmo lahaan lahaa xirfad ayaad yeelan lahaa. Bajaaj ayaan ku shaqeysan lahaa ama xamaali ayaan noqon lahaa. Balse maanta Alxamdulillaah  aqoon ayaan leeyahay, aqoon haddii aan heystana wax iga maqan malaha." ayuu yiri mar laga weydiiyay xaaladda uu ku jiri lahaa haddii uu labadiisa gacmood heysan lahaa.


Waa sheekada Cabdirisaaq Warsame Axmed oo ah wiil dhallinyaro ah oo sabab u ahayd eeddadiis in uu waayo labadiisa gacmood. 

By : Sayyid Omar



Comments

Popular posts from this blog

Damacoodii qallafsanaa ayaa ku sababtay in uu dharka tuurto!

Saaxiib waxbarashada uga haray duruuf dhaqaale.

Sheekada Hajer Sharief