Damacoodii qallafsanaa ayaa ku sababtay in uu dharka tuurto!
By : Sayyid Omar
Fikrad ganacsi in uu la yimaado ayay dantu ku kalliftay ka dib markii uu waayay shaqo. Wuxuu u baahday in loo maalgeliyo. Wuxuu u la tegay bangi, si ay maalgelin ugu sameeyaan. Qolada bangiga waxay arkeen in ay fikraddani tahay mid taabbagal ah, iyagana ay ku habboon tahay. Damac ayaa ka galay, waxayna isku dayeen in ay dibmarin ku sameeyaan, illaa markii dambe uu u suurtagalay damacoodii qallafsanaa.
2 bilood gudahood in ay riyadiisa ugu rumaynayaan ayay u sheegeen.
Isaga oo faraxsan, niyaddiisa dhisan tahay, kalsooni buuxdana ku qaba ayuu ka
soo tegay. Maxaa xigay?
Bil kama soo wareegan markii uu arkay bangigii uu maalgelinta
ka sugaayay oo fikraddiisii ku xayaysiisanaya boorarka magaalada iyo baraha
bulshada. Qarracan weynaa! Wuu aamini waayay xaqiiqada waxaan uu arkayo!
Waa adduunyo iyo xaalkeed e, meel uu wax ka bilaabo ayuu garan waayay. Noloshii ayaa aad ugu adkaatay oo ciriiri ku noqotay, horraanba iyada oo ciriiri ku ahayd. Xiskaa dhaqaaqay, farahuu ka xisaabtamay, dharka ayuu dhigtay, wuu ismadaxmaray! Dhimirka ayaa laga galay.
Comments
Post a Comment