Daqiiqad walba waxaan sugaa geeri!
"Hadda waqti walba oo nolosheyda kamid ah waxaan sugaa inta aan ka dhiman doono, waayo ma jirto xuduud noo dhaxeysa darxumada! Hooyadey waxay dhimatay anigoo carruur ah, dhibaatooyin badanna waan la kulmay hooyo la'aanta awgeed. Aabehey wuxuu ii guuriyay anigoo aad u yar. Hal sano kadibna ninkeygii wuu dhintay anigoo waxba ka fahmin micnaha guurka iyo nolosha.
Geerida seygeyga ka dib waxaan ku laabtay guriga soddogey, qof walbana wuxuu iigu wici jiray sida in aan ahay qof xanunsan. Waxaana la igu dhihi jiray, "nikaaga dartaa ayuu udhintay." Waxay igu eedeyn jireen in aan aniga ka dambeeyay geerida ninkeyga. Ma jirto qof ka fakareyso meesha aan ku noolaan doono iyo inta nolosheyda ka dhiman sida aan ahaan dono. Qof iga taxadaraayo malahan. Qofna iima harin!
Hadda nolosheyda waa billow, waxaa jirta himilo aan ka arko hal il oo ah in aan dawarsado. Socodkii ayaan kari waayay xaunuuno lugaha iiga soo darsay awgood, waxayna sababtay in aanan banaanka u bixi waayo si aan u soo dawarsado. Nolosha dadka ee deegaankeenna waa mid hooseysa. Wax ay cunaan ma heli karaan. Ma aqaan waxa ay farxaddu tahay. Nolosheyda dhan waxay ahayd nolol duruufeysan.
Hadda daqiiqad walba waxaan sugaa dhimasho. Wax badan waan dhibtooday, intaan ka badanna kuma sii jiri karo noloshaan. Dadku waxay igu dhahaan, haddii aad nololshaan ku dhibtootay, ilaahey ayaa kugu beddeli doono nolol farxad badan oo ka duwan noloshii hore ee adkeyd. Mar kasta waxaan u ooyaa oo aan ku duceystaa in uu Alle iga saaro noloshaan adag."
- Monowara
Bogga GMB Akash ayaa ka soo tarjumay.
Comments
Post a Comment