Sheekada Hajer Sharief
Waxaan daawaday sheekada Hajer Shariif oo ah gabar Liibiyaan ah. Waxay ka sheekeeneysaa nidaam yaraanteedii ka jiray gurigooda oo la yiraa “Friday Democracy Meeting" Waa kulan habeen kasta oo Jimce ah uu reerkeedu yeelan jiray, waxaana looga hadli jiray arrimaha guriga ku soo kordhay todobaadkaas, sidoo kale waxaa lagu qorsheyn jiray todobaadka soo socda waxyaabaha la qaban doono.
Inta uu kulanka socdo waxaa shir guddoomiya labada waalid midkood, mid kamid ah carruurtana wuxuu u qori jiray qodobada. Shirku wuxuu leeyahay labo sharci, waa tan koowaade in aan la isku qaddarin da’da iyo waalidnimada oo haddii carruurta midkood iyo qof waalid ah arrin dhextaallo si furan ayay uga doodayaan, lagumana celin karo qofka hadalka; arrinta labaadna waxay ahayd in wixii halkaas la isku yiraa aan la isku qabsan karin markii shirka laga baxo, wax kasta oo shirka la isku yiraahdana, goobta shirka ayaa looga tegi jiray.
Waxyaabaya sida joogtada ah looga hadli jiray shirka waxaa kamid ahaa, todobaadkaas cuntada guriga laga cunayo, cuntada la yareynayo, waqtiga habeenkii la seexanayo iwm. Todobaadka kale waxaa laga yaabaa in laga hadlo arrimaha ka dhacay iskuulka, sida haddii dagaal lasoo galay iyo haddii carruurta labo ka mid ah khilaaf soo kala dhexgalo sidii loo xallin lahaa.
Marka kulanku dhammaado waxaa ka soo bixi jiray heshiis la isku raacsanyahay, oo aan waxba laga beddeli karin illaa la gaaro asbuuca kale. Waxay leedahay sidaas darteed waxaa la igu barbaariyey siyaasiyad, waayo markaan lix jir ahaa waxaan aqaanay sida loo galo wada hadalada, doodaha, sida mucaaradka la iska difaaco, isbahaysi loola sameysto koox kale iyo sida loo tanaasulo haddii xaaladdu kugu adkaato.
Hajer waxay tiri, "anigoo toban jir ah ayaan maalin iskuulka Khalad ku soo sameeyey, laakiin arrintii ayuu walaalkey shirka ka sheegay, anigana aad ayaan uga carooday, shirkiina waan ka baxay, ka dib waxaan go’aansaday in aan shirka dhan fowdo ka billaabo oo la joojiyo, sidaas darteed warqad ayaan aabbe u qoray, oo aan ugu sheegayo inaanan mar dambe ka soo qeyb galeynin.
Waxaan u heystay in shirka lagu kala tegi doono, laakiin cidna iima joojin ee anigoo maqan ayay shirkoodii iska sii wateen, waxaana billaabatay in ay shirka ka soo baxaan go’aamo aanan jecleysan oo kaligey ii daran, laakiin waan ku qasbanaa inaan u hoggaansamo. Waxyaabaha asbuuc kasta shirka kasoo bixi jiray waxaa ka mid ahaa in habeen kasta marka la casheeyo aan anigu alaabta dhaqi doono, halka aysan walaalahay waxba qabaneyn. Markaan gaaray 13 jir, dhaqan ahaanna ay bulshadu iska aaminsantahay in mar kasta gabadhu alaabta iyadu dhaqdo, waxaan u baahday in aan shirkii ku noqdo, si aan isaga leexiyo arrintaan, waana ku guuleystay.
Shirkii ugu horreeyay markaan ka qeyb galay waxaan soo jeediyay in ay caddaalad darro tahay in dhammaan alaabta uu hal qof keliya isagu dhaqo, sidaas darteed waxaan soo jeediyey in qofkasta weelka uu wax ku cuno isagu dhaqo, waana la ila qaatay."
By : Sayyid Omar
Comments
Post a Comment