Dhakhtarka ilmaha la isaga soo rido u tag ee ilmahan calooshaada ku jiro iska soo tuur.
Nolol duruufeysan ayaa lagu soo koriyay. Aaabbaheed waa xamaali ka shaqeeya dekedda Muqdisho. Fasalka saaddaxaad ee dugsiga sare oo gebogebo u ah ayay Facebook iska barteen wiil. Muddo markii ay wada socdeen ayuu u soo bandhigtay xiriir jaceyl, wuxuuna ku soo xero geliyay in reerkiisu ay hantiilayaal yihiin, asagana uu ka shaqeeyo shirkad uu aabbhihiis maamule ka yahay. Wayna ka aqbashay.
Saddax bilood ka dib uur ayaa ku soo baxay. Dhowr baaritaan oo ay martay ka dib waxay xaqiiqsatay in uurku run yahay. Wiilkii ayay wacday si ay ula wadaagto waxa ku soo kordhay. Markii ay la wadaagtay ayuu war oo dhan ugu soo koobay, "Saaxiibeey, dhakhtarka ilmaha la isaga soo rido u tag ee ilmahan calooshaada ku jiro iska soo tuur."
Waxay u sheegtay in aysan haysan qarashkii ay isaga soo ridi lahayd. Nasiib darro taleefankii ayuu ku damiyay, wuuna ka dansaday. Geed dheer iyo mid gaaban ba waxay u kortay sidii ay ku heli lahayd lacagtii ay isaga soo ridi lahayd ilmaha. Waxay dantu ku qasabtay in dahabkeedii iska iibiso.
Dahabkeeda ayay iska iibisay, waxayna tagtay dhakhtarkii loo tilmaamay, wayna iska soo ridday. Waardiyaha dhakhtarka iyo gabadha aabbaheed ayaa ahaa saaxiibbo dhow, gabadhii ayuuna aqoonsaday. Waardiyihii ayaa gabadha aabbaheed u sheegay in gabadhiisa ay maanta timid dhakhtarka, ilmana iska soo tuurtay.
Odaygii oo dhiigkar qabay ayaa dhiiggii ku kacay. Asaga oo xanaaqsan ayuu gabadhii weyidiiyay warka dhagihiisa ku dhacaayo waxa ka jira. Waxa ay isku dayday in ay inkirto, nasiib darro waxay guriga ku dhex aragtay waardihiii dhakhtarka oo guriga dhinac ka fadhiya. Meel ay wax ka billowdo ayayna aqoon weyday.
Sida ay wax u dheceen ayay u sheegtay aabbaheed. Markii uu ka dhageystay ayuu go'aansaday in uu waxbarashadii ka reebo, wuuna ka reebay. Hadda waxbarashadeedii, wiilkii ay la haasaawi jirtay, iyo dahabkeedii midna faraha kuma heyso.
By : Sayyid Omar
Comments
Post a Comment