HABEENKII QUUSTA [10-12-2019]
Afar saacadood oo aan nolol iyo geeri u dhaxeynay. Waxa aan ku jirnay gudaha hotel SYL, waxaana isku kaaya keenay bandhigga buugga UBAD IYO ARXAN LAAWE oo ay qortay Hamdi Mahad Faarax. Mar ay tahay abbaare 7:15 Pm (fiidnimo) waxaa mar qura is baddelay jawiga hotelka, kadib markii hotelka lagu soo qaaday weerar meel uu innaga jiro aanan garaneyn.
Dhawaqa rasaasta markii ay dhageheena ku dheceen, dhallinyaradii hoolka nagula jirtay oo Lixdan ku dhawaad aheyd qaar kamid ah ayaa waxay nagu qanciyeen in ay noqon karto gaari ama shakhsi laga shakiyey oo loo wado rasaastaas, balse ma noqon. Daqiiqad ba daqiiqadda ka danbeysana waxaa sii xoogsaneysay dhawaqa rasaasta, mana aheyn dhawaq dhagaha bini aadamka xamili karo.
Dhallinyaradii nagula sugneed hotelka waxay u qeybsameen labo, kuwa darbiga hotelka ka booda iyo kuwa hoolka ku nagaada. Kuwii hoolka ku nagaaday ayaa dhowr qeybood usii qeybsamay, qaar miisaska hoos galay, qaar qeybta gadaal ee hoolka ku dhuuntay iyo kuwa dhulka jiiftay, anigu se marba qolo ayaan naf ka raadiyaa, mar team-ka miisaska hoostooda galay ayaan u tagaa, mar qolada gadaal ayaan u tagaa, marna kuraasta VIP-da gadaashood ayaan naf ka raadiyaa. Illaa heer waxaan gaaray aan ka jawaabi waayo taleefanada isoo wacaya, ha u badnaan hooyo iyo aabbe illeen waa beer wax dhalaye.
Isma laheyn adigoo bad qaba ayaad hoygaaga ku laaban doontaa, se Eebbe weyne ayaa maalin kale dib ii dhigtay. Waxay xaaladdu jiq ahaataba ilaalada hotelka ayaa inoo yimid, naguna amray in aan nalalka hoolka iska damino, dhaqdhaqaaqa badanna aan yareyno, waxayna nagu yiraahdeen; "waxba ha cabsanina, markii annaga ay na laayaan kadib ayay idiin imaan karaan, inta ka sokeysa annagaa idiin joogno!" Hadalkaas rejo ayuu nagu abuuray.
Abbaare 10:30 PM ayaa waxaa noo yimid ciidanka Haramcad oo hoolka naga soo saaray, waxayna nagu yiraahdeen "annaga na soo daba socda, meesha aan ka baxno kasoo baxa." Taasi waxay kuu muujineysaa geesinimada ku jirta ciidankeenna, iyo sida ay ugu go'antahay in ay dhib kasta u maraan sidii ay inoo badbaadin lahaayeen.
Ugu horreyn waxay mahad oo idil u sugnaatay Eebbe weyne oo na hareermariyey dhibaatadii habeenkaas nagu soo habsatay, sidoo kale waxay mahad iyo ducaba u sugnaatay geesiyaashii naftooda ku waayey sidii ay noo badbaadin lahaayeen, dhammaan intii ku geeriyootay Eebbe ha u raxmado, kitaabkoodana midigta Alle haka siiyo.🤲
10-December-2020
By : Sayyid Omar
Comments
Post a Comment