Maxaa ku dhacay Foos?
Waqtigu wuxuu kusii siqayaa habeen bar. Aabbe, hooyo iyo dhammaan carruurta, waxay la murugeysanyihiin xaaladda gabadhooda Foos oo markii ay xaafadda ka tagaysay ku tiri hooyadeed; "Hooyo, saaxiibtey arooskeeda ayaan rabaa in aan aado ee i fasax." sidaasna lagu fasaxay.
Foos loogama baran in ay guriga muddo intaas la eg ka maqnaato, xitaa haddii ay aroos aaddo. Carruurtu ma dareensana sababta ay hooyo iyo aabe usoo jeedaan se, way ogyihiin in ay walaashood Foos xaafadda ka maqantahay.
Hooyo Dahabo oo ah hooyada dhashay Foos, ayaa ka quusatay habeenkaas gabadheeda, ilinta ka da'aysa indhaheedana ma maleysan kartid. Habeenkaas hooyo Dahabo labo indho ay leedahay iskuma aysan geyn oo hurdo waa ay kasoo dhici waysay, illeen waa beer wax dhalay'e, salaaddii subaxna waxay ku tukatay weysadii ay cishaha ku tukatay.
Sidii iyaga oo usoo jeedo hooyo Dahabo iyo aabbe Cali ayuu waagii ku baryay oo qorraxdii ku soo baxday. Mar qura waxaa soo dhacay taleefankii hooyo Dahabo, si deg deg ah ayey u qabatay lambarkii soo wacay, ayada oo is leh waa gabadhaadii oo war san kuu heysa, wixii ugu horreeyey ay maqasho wuxuu noqday cod nin oo war dhan uga bilaabay, "haddii aad jeceshahay in gabadhaada nolol laguugu keeno waxa aan rabno waa in aad si deg deg ah noogu sameysaa".
Hooyo Dahabo oo farxad ilmadu la qubaneyso ayaa ugu warcelisay, "wax walba oo aad jeceshihiin sheegta, meesha aan rabo aan ka keenee." Arxan laawayaashii ayaa dalbaday lacag aan caqliga galeynin oo tiradeedu gaareysa toban kun oo doolar ($10,000). Hooyadii oo ka naxday lacagta tira badnideeda ayaa damacday in ay dhahdo; "lacagta intaas la eg ma awoodno", balse dhag jalaq uma aysan siinin raggii gabadha afduubtay. qoyska hooyo Dahabo iyo aabbe Cali waxa ay ahaayeen qoys danyar ah oo duruuftu daashatay, mana aysan awoodin lacagta intaas la eg.
Hooyo Dahabo iyo aabbe Cali waxay guda galeen sidii ay lacagtaas tirada badan ku heli lahaayeen, una soo badbaadin lahaayeen gabadhooda. Ugu dambeyn qoyska Foos waa ay ku adkaatay helida lacagtaas. Xaaladdu waxay gaartay xaalad allow sahal ah, oo waxay u badantahay in nolosha Foos laga quusan doono. Dhowr bilood kadib, mar laga quustay oo cirib iyo jaan meel ay dhigtay la ogeyn, reerkiina uu awoodi waayay lacagtii bixiya la yiri, ayaa waxaa si kedis ah loo soo garaacay guriga; hooyo Dahabo ayaa tiri, "qofka garaacayow soo gal", mise waaba gabadheedii Foos.
Mar qura ayay farxad la ilmaysay hooyo Dahabo iyadoo ku dhawaaqday "Alla waa Foos!" intaas markii ay afkeeda kasoo baxday, waxaa maqlay aabbihii oo qolkiisa ku jira, si hal-haleel ah buu uga soo booday sariir u ku jiifay isaga oo laabta galiyay gabadhiisii oo uu in muddo ah indhaha saarin, jiif iyo joogna ku ladi waayay darteed. Foos oo daal iyo soo jeed badan ka muuqda ayaa bariidin kadib qolkeeda u gudubtay. Dhar badalasho iyo mayrasho kadib, aabbe, hooyo iyo Foos waxa ay salli dhigteen daaradda guriga, halkaas oo ay isku waraysteen. Foos ayana uga sheekaysay hooyo iyo aabbe wixii ay lasoo kulantahay waxayna tiri;
"Hooyo, aniga oo ka imid arooskii aa kuu sheegaayey ayaa waxaan wacay wiilkii Bajaajlaha ahaa oo aan saaxiibbada aheyn si uu xaafadda ii keeno, daqiiqado kadib waa uu ii yimid, mootadii ayaana soo koray, kadib wuxuu igu leexiyey meel aan garaneen oo mugdiga ay tahay aad la yaabeyso, waxaan weydiiyey meesha uu i keenay, wax jawaab ahna kama aanan helin, sidii uu ii waday ayuu haddana i keenay guri ay ka dhex yeerayaan heeso iyo Music. Aniga oo la fajacsan waxaan dhacaya ayaa waxaa ii yimid labo nin oo xoog waaweyn, mootada ayey iga soo dajiyeen ayaga oo ii awood sheeganaya, waxayna igu soo xireen qol mugdi ah oo gurigii la i keenay kamid ah.
Subixii markii uu waaga baryey ayaa waxaa ii yimid wiilkii Bajaajlaha ahaa, asaga oo iigu hanjabaayo in uu i xoogi doono, kadibna i dili doono. Aniga oo warkiisa u qaatay hanjabaad keliya ayaan ku dhahay, "waxaad doonto igu samee, ma lihi awood aan iskaga kaa celiyo, kaliya asxaan ii sameey oo hooyadey codkeeda i maqashii haba ila hadashiin haddii aad doonto e," Codsigeygii wuu iga aqbalay, wuuna kusoo wacay asaga oo kaa codsaday in lacag la siiyo, anigana markaas afka ayaa iga xirnaa oo awood umaan laheyn in aan kula hadlo hooyo.
Habeen walba ayuu ii imaan jiray asaga oo wax walba iga sameysanayey, anigana awood aan iskaga difaaco maan laheyn. Hooyo, haddana waxaan rabaa in aan kula wadaago in uu kufsi ii geystay, kufsigiina waxaan ku qaaday uur oo hadda waxaan leeyahay uur afar bilood ah." Foos hooyadeed markii ay maqashay gabadheedii oo tiri, "uur baan qaaday.", naxdin ayay la suuxday, inkastoo Foos aabbaheed uu aad uga naxay hadalka gabadhiisa ay tiri, haddana isagu ma miir daboolmin oo hooyada wuu ka adkaysi batay. Saacad in ku dhaw oo ay miir daboolsaneed duqdii waa ay soo naaxday. Odaygeedii ayaana ku yiri "Dahabo, is deji, wax walba qadarta Eebbe ayay ku dhacaan, gabadheeniina iyada oo nool haddii ay noo soo laabatay ayaa ah wax Alla weyne looga mahdiyo".
Maama Dahabo hadalkii xaajigeeda waa ay ku qanacday oo waa ay isa sabarsiisay. Rejo beel iyo quus ayaa halkaas kasoo gaaray falkii ay arxan laawayaasha u gaysteen Foos oo ahayd gabadh yar oo dunida u cusubayd iyo ubax hadda soo koraya oo aan loo quurin wax dhibaato ah.
Dadka magaalada ka shaqeysta ma wada aha dad wanaagsan, haba usii darnaadaan dhallinyarada ku shaqeysata mooto Bajaajta, weliba xilliyada dambe ee habeenkii.
Walaasheydiyeey ha aaminin adigoo kaligaa ah Bajaajle xilliyada dambe ee habeenkii socda, waayo wuxuu kuu horseedi karaa dhibaatooyin fara badan sida Foos oo kale. Sharaftaada ilaasho.
FG : Sheekadaan ma aha dhab ee waa khiyaali ama mala-awaal.
By : Sayyid Omar

Masha allah waa qormo fiican.
ReplyDeleteWaa qiso cibro qaadasho ah runtii waan la ilmeeyay.
ReplyDeleteKeep going Sxbkey
ReplyDelete