Posts

Maxaa ku dhacay Foos?

Image
Waqtigu wuxuu kusii siqayaa habeen bar. Aabbe, hooyo iyo dhammaan carruurta, waxay la murugeysanyihiin xaaladda gabadhooda Foos oo markii ay xaafadda ka tagaysay ku tiri hooyadeed; "Hooyo, saaxiibtey arooskeeda ayaan rabaa in aan aado ee i fasax." sidaasna lagu fasaxay.  Foos loogama baran in ay guriga muddo intaas la eg ka maqnaato, xitaa haddii ay aroos aaddo. Carruurtu ma dareensana sababta ay hooyo iyo aabe usoo jeedaan se, way ogyihiin in ay walaashood Foos xaafadda ka maqantahay. Hooyo Dahabo oo ah hooyada dhashay Foos, ayaa ka quusatay habeenkaas gabadheeda, ilinta ka da'aysa indhaheedana ma maleysan kartid. Habeenkaas hooyo Dahabo labo indho ay leedahay iskuma aysan geyn oo hurdo waa ay kasoo dhici waysay, illeen waa beer wax dhalay'e, salaaddii subaxna waxay ku tukatay weysadii ay cishaha ku tukatay. Sidii iyaga oo usoo jeedo hooyo Dahabo iyo aabbe Cali ayuu waagii ku baryay oo qorraxdii ku soo baxday. Mar qura waxaa soo dhacay taleefankii hooyo Dahabo,...