HABEENKII QUUSTA [10-12-2019]

Afar saacadood oo aan nolol iyo geeri u dhaxeynay. Waxa aan ku jirnay gudaha hotel SYL, waxaana isku kaaya keenay bandhigga buugga UBAD IYO ARXAN LAAWE oo ay qortay Hamdi Mahad Faarax. Mar ay tahay abbaare 7:15 Pm (fiidnimo) waxaa mar qura is baddelay jawiga hotelka, kadib markii hotelka lagu soo qaaday weerar meel uu innaga jiro aanan garaneyn. Dhawaqa rasaasta markii ay dhageheena ku dheceen, dhallinyaradii hoolka nagula jirtay oo Lixdan ku dhawaad aheyd qaar kamid ah ayaa waxay nagu qanciyeen in ay noqon karto gaari ama shakhsi laga shakiyey oo loo wado rasaastaas, balse ma noqon. Daqiiqad ba daqiiqadda ka danbeysana waxaa sii xoogsaneysay dhawaqa rasaasta, mana aheyn dhawaq dhagaha bini aadamka xamili karo. Dhallinyaradii nagula sugneed hotelka waxay u qeybsameen labo, kuwa darbiga hotelka ka booda iyo kuwa hoolka ku nagaada. Kuwii hoolka ku nagaaday ayaa dhowr qeybood usii qeybsamay, qaar miisaska hoos galay, qaar qeybta gadaal ee hoolka ku dhuuntay iyo kuwa dhulka jiiftay, anigu ...